72 SAAC OO LAGU AMRAY DIBLOMAASIYIINTA IRAN INAY KAGA BAXAAN DALKA SOMALIYA -

72 SAAC OO LAGU AMRAY DIBLOMAASIYIINTA IRAN INAY KAGA BAXAAN DALKA SOMALIYA -


ADVERTISEMENTS
Diblomaasiyiinta reer Iran ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa galabta lagu wargeliyay in muddo 72 saac gudahood kaga baxaan dalka Somaliya.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in Sii Haayaha Safaaradda Iran ee Magaalada Muqdisho iyo diblomaasiyiinta kalaba lagu wargeliyay in dalka isaga baxaan.

“iyadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho, waxa ayna guddoonsiisay go'aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.” Ayaa lagu yiri Bayaanka.

Bayaanka, ayaa lagu yiri Talaabadan ayaa timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay, laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha, wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.”

Bayaankan oo baaq loogu diray Iran, ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Iran inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Viena ee xiriirada diblomaasiyadeed.”





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: 72 SAAC OO LAGU AMRAY DIBLOMAASIYIINTA IRAN INAY KAGA BAXAAN DALKA SOMALIYA -
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
72 SAAC OO LAGU AMRAY DIBLOMAASIYIINTA IRAN INAY KAGA BAXAAN DALKA SOMALIYA -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments