12 Tilmaamood Iyo Sifooyin Gaar Ah Oo Aad Ku Garan Karto Shakhsiyadda Qofka Iyo Hab-dhaqanka Qofkaasi

12 Tilmaamood Iyo Sifooyin Gaar Ah Oo Aad Ku Garan Karto Shakhsiyadda Qofka Iyo Hab-dhaqanka Qofkaasi


ADVERTISEMENTS
Waxa jira astaamo iyo calaamado qofku leeyahay oo muujinaya noociyadda shakhsiyadda dhabta ah ee qofku yahay taasi oo laga dheehan karo astaamaha lagu arko ama uu leeyahay qofkaasi. Qormadan kooban waxa aan ku eegi doonaa 12 astaamood oo lagu garan karo shakhsiyadda ku sifawda astaamahaasi kuwaasi oo kala ah:
1. Haddii Qofku Wax Badan Seexdo (Iska Hurdo), Waaqof Murugo Badan
2. Haddii Qofku Wax Yar Hadlo Balse Boobsiis U Hadlo, Wuxuu Xafidaa Sirta (Waa Sir Haye). Waxaan odhan karnaa qofkaasi waa qof ku wanaagsan xejinta iyo haynta siraha aan loo baahnayan in la faafiyo ama ugu yaraan waa qof aan wax badan faafin.
3. Haddii Qofku Cuntada U Cuno Si Aan Caadi Ahayn, Waa qof Neerfis ah oo dareenkiisa dhambaal-wadayaashu taagan yihiin. Si kale haddii aan u nidhaa qofka aan lahayn dabeecad cunto qaadasho oo la yaqaan. Tusaale ahaan isaga oo marba wakhtiga uu doono wax iska cuna ama cunto badan qaata ama cunto aad u yar qaataa waxa ay ina tusaysaa in qofkaasi yahay qof caadifi ah oo aan deganayn.
4. Hadduu Qofka Ay Arrimo Yar Yari Ka Oohiyaan, Waa Qof Daacad Ah Oo Qalbi Jilicsan. Haddii aad aragto qof ay markaaba ka oohin karaan arrimo aan xataa sidaa u waaweyni waxa aad garan kartaa in qofkaasi yahay qof daacad ah oo qalbi jilicsan. Waxa jira dad aanay waxba ka oohin mar kali ahna indhahooda lagu arag ilmo.
5. Haddii Qofku Ka Cadhoodo Waxyaabo Yar Yar Ama Nacasnimo Ah, Wuxuu U Baahan Yahay Jaceyl.
6. Haddii Qofku Wax Kastoo La Weydiiyo Si Adag/Qalafsan Uga Jawaabo Is Difaacuna Ku Badan Yahay, Waxaa Haya Cuqdad Nafsi & Kalsooni Darro.
7. Haddii Qofku Markuu Faraxsan Yahay Aanu Hadalka Joojin Karin, Markuu Murugeysan Yahayna Aanu Eray Kali Ah Odhan Karin, Waa Qof Aan Naftiisa Kontorooli Karin.
8. Keli Ahaanshuhu Waxay Qofka Ku Sababtaa Inuu Qubeyska Ku Daaho, Wax Badan Hurdo, Aadna U Fakiro
9. Haddii qofla markii la ammaano uu farxo, marka wax laga sheegana cadhoodo, waa qof cid kale shoolaanta u hayso oo marka ay rabaan bedeli karaan.
10. Inaan Xidhiidhka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inaanu Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar.
11. Haddii qofku dantiisa gaarka ah ta dadka uga dhigo dan guud, waa af-miinshaar (Turufatoore)
12. Haddii qofku markuu rabo inuu dadka wax u sheego yidhaahda afkeennu waa isku ammaan ama dhaaro inaanadan cid kale u sheegeen, waa Xan badane Sharlaw ah.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: 12 Tilmaamood Iyo Sifooyin Gaar Ah Oo Aad Ku Garan Karto Shakhsiyadda Qofka Iyo Hab-dhaqanka Qofkaasi
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
12 Tilmaamood Iyo Sifooyin Gaar Ah Oo Aad Ku Garan Karto Shakhsiyadda Qofka Iyo Hab-dhaqanka Qofkaasi



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:30 PM and have 0 comments