WARIYE CUMAR FAARUUQ OO MAANTA LAGU WEERARAY MAGAALADA MUQDISHO, KANA BADBAADAY ISKU DAY DIL

WARIYE CUMAR FAARUUQ OO MAANTA LAGU WEERARAY MAGAALADA MUQDISHO, KANA BADBAADAY ISKU DAY DIL


ADVERTISEMENTS
Wararka ka imaanaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in goor dhow lagu weeraray Wariye Cumar Faaruuq Cismaan, oo maalmahaanba ku sugnaa Magaaladaasi.

Illaa saddex nin oo la socotay gaari nooca raaxada ah, ayaa weerartay gaari kale oo uu sarnaa Wariyaha, xilli uu ku sugnaa xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Ilaalo la socotay Wariyaha, ayaa iska caabiyay raggii soo weeraray, oo aan si rasmi ihi loo aqoon cidda ay ka tirsan yihiin, waxaase socdo baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka.

Hay’adaha amniga oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa la wareegay gaarigii uu Suxufigu watay, xilli illaa lix xabadood ay gaarigaasi kaga dhacday qaybta dambe.

Wariye Cumar Faaruuq oo ka hadlay weerarkan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba ruux, oo middi uu ahaa askari ilaalo ahaan ula socday, halka qofka labaadna uu yahay nin wadada maraayay.

Cumar Faaruuq, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inaanu garanayn cidda soo weerartay iyo  ujeedada ay u soo weerartayba, balse uu weerarkaasi qayb uun ka yahay weerarada loo gaysanaayo bahda Saxaafadda, sida uu yiri.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WARIYE CUMAR FAARUUQ OO MAANTA LAGU WEERARAY MAGAALADA MUQDISHO, KANA BADBAADAY ISKU DAY DIL
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-30T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WARIYE CUMAR FAARUUQ OO MAANTA LAGU WEERARAY MAGAALADA MUQDISHO, KANA BADBAADAY ISKU DAY DIL



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments