Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay


ADVERTISEMENTS
Shan qof ayaa ku dhimatay inta la og yahay in ka badan 10 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray qarax loo adeegsaday gaari wadada dhinaceeda la dhigay oo ka dhacay maanta waddada Maka Al-mukarama ee Muqdisho.

Qaraxan oo ay mas'uuliyadiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab ayaa qarxay xilli uu waddadaas marayay guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), iyadoo uu kasoo gaaray dhaawac fudud, waxaana sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray taliyihii ciidamada saldhigga Booliiska ee degmada Waaberi, Cali Muuse iyo askar ilaalo u aheyd.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka illaa shan qof oo goobtii uu qaraxu ka dhacay yaalla, waxaana sidoo kale qaraxan oo ahaa mid xoogan oo sharqantiisa inta badan laga maqlay Muqdisho ayaa burbur xoog leh gaarsiiyay dhismayaal ganacsi oo ku dhawaa halka uu qaraxan ka dhacay.

Waxaa qaraxan khasaare xoogan uu ka soo gaaray carwada Al-Kowthar oo gaariga qarxay looga tagay horteeda.

Daqiiqado ka hor qaraxa waxaa wadada ka dhacay rasaas xoogan oo kooxo watay gaari ay ku fureen gaari uu la socday gudoomiyaha gobolka Galgaduud Cirfo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qaraxan ku weerareen saraakiil ka tirsan dowladda Somalia oo ay sheegeen iney dhimasho iyo dhaawacba u geysteen.

Saraakiisha Ammaanka dowladda Somalia ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin qaraxaan iyo khasaaraha ka dhashay waxaana hadda caadi ku soo laabatay xaalada wadada Maka Al-Mukarama.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-20T01:41:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:41 AM and have 0 comments