WAKIILKA IGAD EE SOMALIYA OO SHEEGAY INUU OLOLE U GELAAYO SIDII MAXKAMADA HAGUE XAFIIS UGA FURAN LAHEYD SOMALIYA

WAKIILKA IGAD EE SOMALIYA OO SHEEGAY INUU OLOLE U GELAAYO SIDII MAXKAMADA HAGUE XAFIIS UGA FURAN LAHEYD SOMALIYA


ADVERTISEMENTS
Danjire Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD u qaabilsan Arimaha Somaliya ayaa cadeeyay in uu Olole Xoogan u gelaayo sidii maxkamada Hague ay xafiis uga furan laheyd dalka Somaliya.

Waxa uu sheegay hadii la helo meel madaxda Somalida lagula xisaabtamo oo wax looga weydiiyo dhibaatada shacabka Somaliyed ay u geysanayaan ay yaraan laheyd xasuuqa dadka loo geysanaayo sida uu yiri.

Afeey ayaa sheegay wixii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo hubkii la isku adeegsaday inay ahaayeen wax aad loola yaabo, isaga oo sheegay hadii hal isbuuc dagaalka Gaalkacyo uu sii socon lahaa Magaaladaasi ay noqon laheyd meel faaruq ah.

Hadii aanan la helin ayuu yiri meel lagula xisaabtamo Madaxda Somalida ee Abaabula Dagaalada dhibaatada ka soo gaarta dadka shacabka ah, waa ay sii socon doonaan Xasuuqa shacabka.

“Hadii Soomaaliya la helin si toos ah inay maxkamadda adduunka u fara geliso, nin walba dagaal abaabula oo shacabkiisa laaya, sida Madaxda Afrikada kale loo ciqaabo hadaan Soomaaliya loo ciqaabeyn, ma joogsaneyso xasuuqa shacabka”ayuu yiri Danjire Afey.

“Hadii dagaalkii Gaalkacyo faraha looga qaadi lahaa todobaad gudihiis, waxaa hubaa in magaaladaas aan shacab loogu imaan laheyn, wax barakacay iyo wax dhamaaday ayay noqon lahaayeen, hubkii dadka dagaalayay isticmaalayay marka la fiiriyo, oo la mid ahaa kuwa lagu isticmaalayay Suuriya oo kale, hubkaas la isku baabi’inaya”ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WAKIILKA IGAD EE SOMALIYA OO SHEEGAY INUU OLOLE U GELAAYO SIDII MAXKAMADA HAGUE XAFIIS UGA FURAN LAHEYD SOMALIYA
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-07T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WAKIILKA IGAD EE SOMALIYA OO SHEEGAY INUU OLOLE U GELAAYO SIDII MAXKAMADA HAGUE XAFIIS UGA FURAN LAHEYD SOMALIYA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:30 AM and have 0 comments