URURKA AL SHABAAB OO SHEEGAY INAANU WAXBA SOO KORDHIN DOONIN ISBAHAYSIGA UU SAMEEYAY SACUUDIGA

URURKA AL SHABAAB OO SHEEGAY INAANU WAXBA SOO KORDHIN DOONIN ISBAHAYSIGA UU SAMEEYAY SACUUDIGA


ADVERTISEMENTS
Ururka Al Shabaab, ayaa ka horyimid isbahaysiga cusub uu Sacuudiga shaaciyay inuu toddobaadkan sameeyay, kaasoo sida uu sheegay la dagaalami doono kooxaha argagaxisada.

Sheekh Cali C/laahi (Katiin) oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee dacwada u qaabilsan, ayaa saluugay dhismaha isbahaysigan, iyadoo uu ku sheegay mid loogu talla-galay in lagula dagaalamo Muslimiinta.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan isbahaysiga waxba kaga duwanaan doonin kuwo kale oo kol hore la sameeyay, kuwaa oo sida uu sheegay lagu taageeraayay wadamada reer galbeedka.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Al Furqaan oo ku hadasha afka Shabaabka, ayaa wuxuu yiri “Isbahaysigan ay sameeyeen wadamadan uu Sacuudiga horkacaayo ee Islaamka sheeganaaya, lana dagaalamaaya dadkii Muslimiinta ahaa, isbahaysi ay maanta kow u tahay maaha. Horey ayay isbahaysiyo fara-badan ay u sameeyeen, oo ay ku gacan siinayeen Reer Galbeedka, duulaanka ay ku hayaan dadka Muslimiinta ah.”

“Midkaan ay maanta sameeyeen waxaan hadda lagu sheegaayo dowladaha Carbeed iyo kuwaan kale, ee Islaamka sheeganaaya, horey ayuu Mareykanka uu asagu u abaabushay. Qaar badanoo ka mid ah oo gacantiisa uu ku dhisay, oo kuwaan hadda Masar ka talinaaya ay ka mid yihiin.

“Sacuudiga weligoodba Mareykanka ayaa ku shaqaysanaayay, mabaadii’da iyo dhaqanka gaalada ayay u sabcinayeen. Dadka Muslimiinta ayay dhibaateeyaan oo meelkasta ay ku xir xiraan, kuna laayaan. Nimanka Mujaahidiinta ah Diinta Ilaahay (SWT) in la koryeela u dagaalamaaya, weligoodba cadow bay ku ahaayeen.”

“Isbahaysigan ay hadda samaynayaan oo ay leeyihiin waxaan kula dagaalamaynaa dadka Mujaahidiinta ah, waa mid ay ka soo shaqeeyeen Reer Galbeedka, oo ayagu ay ku raaligelinayaan.”

“Arrinta soo korortay waxaa weeye dadka Muslimiinta inay dareemaan nimankan Khaliijka fadhiya ee shayaadiinta ah, magaca Islaam sheeganaaya ee wadaad xumayaasha ay fatwada ula ag-fadhiyaan, waxa ay yihiin inay ummadu dareemaan, baa soo kordheysaa is leeyahay."

Isbahaysigan, ayaa waxaa ku midoobay 34 dal oo ka tirsan wadamada Islaamka, si ay kaga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Daacish, Al Qaacidda, Al Shabaab, Boko Haram iyo kooxaha kale ee argagagaxiso.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: URURKA AL SHABAAB OO SHEEGAY INAANU WAXBA SOO KORDHIN DOONIN ISBAHAYSIGA UU SAMEEYAY SACUUDIGA
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-17T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
URURKA AL SHABAAB OO SHEEGAY INAANU WAXBA SOO KORDHIN DOONIN ISBAHAYSIGA UU SAMEEYAY SACUUDIGA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments