TURKIGA OO BILAABAY IN CIIDAMADIISA UU KALA BAXO WAQOOYIGA CIRAAQ, MARKII AY ASHTAKO KA MUUJISAY DOWLADDA CIRAAQ

TURKIGA OO BILAABAY IN CIIDAMADIISA UU KALA BAXO WAQOOYIGA CIRAAQ, MARKII AY ASHTAKO KA MUUJISAY DOWLADDA CIRAAQ


ADVERTISEMENTS
Ciidanka Militariga Turkiga ee ku sugan Magaalada Mosul ee Waqooyiga Ciraaq, ayaa qayb qayb looga saarayaa, ka dib markii Dowladda Ciraaq ay ka hortimid joogitaanka ciidamadaasi.

Ciidamadan, ayaa waxay ilaalo u yihiin Saraakiil Turkish ah oo tababara Ciidanka Kurdiyiinta Ciraaq, oo la dagaalamaaya Ururka Daacish. Daacish waxay dhul ballaaran kaga sugan tahay dalkaasi.

Dowladda Ciraaq, ayaa waxay si xoogan kaga hortimid boqolaal ka mid ah Militariga Turkiga, oo horaantii bishaan lagu soo daabulay xero ciidan oo ku taala duleedka Magaalada Mosul. Xukuumadda Baqdaad waxay sheegtay inaanay Ciidamadaasi ku soo wargelin Xukuumadda Ankara, isla-markaana ay halis ku tahay madax banaanida Ciraaq.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Turkiga ee ku sugan Waqooyiga Ciraaq laga soo saaraayo, xilli laba cisho ka hor qayb ka mid ah Ciidamadaasi dib loogu celiyay dalkooda.

Barack Obama, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa maalin ka hor Dowladda Turkiga ugu baaqay inay soo afjarto xiisadda kala dhaxeysa Dowladda Ciraaq.

   

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: TURKIGA OO BILAABAY IN CIIDAMADIISA UU KALA BAXO WAQOOYIGA CIRAAQ, MARKII AY ASHTAKO KA MUUJISAY DOWLADDA CIRAAQ
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-21T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
TURKIGA OO BILAABAY IN CIIDAMADIISA UU KALA BAXO WAQOOYIGA CIRAAQ, MARKII AY ASHTAKO KA MUUJISAY DOWLADDA CIRAAQ



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments