Topnews:- Wasiir Odowaa oo Xabsiga dhigay Ganacsade caana ? Sababta oo lala yaabay"

Topnews:- Wasiir Odowaa oo Xabsiga dhigay Ganacsade caana ? Sababta oo lala yaabay"


ADVERTISEMENTS
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka Dowladda Somalia Cabdiraxman Odowaa ayaa ku kacay fal yaab badan oo qofkii maqlaba uu rumeeysan waayay.
Wasiir Cabdiraxman Odowaa ayaa Shirkadda diyaaradaha SomAir kula heshiiyay iney Madaxweyne Garguurte ka soo qaadaan Beledweyne oo Muqdisho geeyaan laakiin waxeey diyaaradii dib u dhacday laba saacadood xilligii la ballamiyay.
Madaxweyne Xasan ayaa diyaarad Ciidan ka soo qaatay Beledweyne ,iyadoo diyaaradii Som Air ay sidoo kale soo qaaday Wasiiro iyo xubno kale oo la socday wafdiyadda kala duwan.
Wasiir Odowaa ayaa markii uu Muqdisho ku soo laabtay horey ka amray in Xabsiga loo taxaabo Maamulaha Shirkadda Som Air Cali Dahir Ciise Cigaal Geesdiir .
Ganacsade Cali Dahir oo u dhashay beesha Sacad Habargidir ayaa markii xarigiisa la maqlay waxaa lala xiriiray Nabadsugida waxeeyna sheegeen inuu Wasiir Odowaa soo amray xarigiisa.
Wasiir Odowaa ayaa la weeydiiyay ,wuxuuna ku jawaabay "Anigaa amray in la xiro maxaa yeelay isagaan la heshiinay,wuxuuna igu ceebeeyay Madaxweynaha oo diyaaradiisii laba saac ayey dib u dhacday”
 Su-aasha  leeys weeydiiyay waxeey tahay "Masuulka rabitaankiisa iyo sharciga ku qoran Dastuurka dalka kee sareeya” 
Jawaabta waxeey noqotay in Masuulka uu ka sareeyo sharciga dalka u qoran tusaale.Qodobka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somalia wuxuu dhigayaa sidaan:
Qofkasta oo Muwaadina wuxuu xaq u leeyahay xoriyadiisa shaqsiga ah iyo Nabadgelyadda qofnimadiisa.
Faqradda labaad waxeey qeexeeysaa : Qofkasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed,waxaana ka reeban xarig aan sharciga waafaqsaneeyn.waxaa kale oo xoriyadda qofnimadiisa ilaalinaya Dastuurka.
Wasiir Cabdiraxmaan Odowaa waxaa muuqata inuusan ogeyn in Wasiirku leeyahay awood uu qof aan Maxkamad la marin iskaga xiri karo laakiin Dastuurka dalka u qoran ,wuxuu dhigayaa inuusan waxba xiri karin Madaxweyne iyo Wasiir.
Laba qodob ayaa qofka Muwaadinka lagu xiri karaa:
1- Inuu fal dimbiyeed gacanta kula jiro oo Ciidanka amaanka ku qabtaan.
2- In Maxkamad soo saarto amarka xirida qofka  Muwaadinka.
Hay’adda Nabadgelyadda haddii ay qof ka shakiyaan waa iney Maxkamadda weeydiistaan warqad soo qabasho ama baaris.
Wixii intaas dhaafsiisan Madaxweyne iyo Wasiir qofkeey neceb yihiin ama is qabtaan iskama xiri karaan maxaa yeelay waxeey kuraasta ku fadhiyaan sharciga dalka ,waxeeyna dhamaantood ka soo jeedaan qabiil ama Beelo sidaas darteed  ma jiro qabiil ka awood weyn qabiil kale,mana jiro qof isi siin karo awood ka baxsan tan ku qeexan Dastuurka Jamuuriyadda Somalia.
Somalia waxeey ku baaba-day in Masuulka uu ka sareeyo sharciga .
Odowaa maxaa lagu sameeyn karaa oo dimbiga uu galay iyo awoodda uu sida qaldan u adeegsaday looga salgaari karaa ?
Ganacsade Cali Dahir Cigaal wuxuu qabsanayaa Lawyer, Waxaana Wasiir Cabdiraxmaan Odowaa lagu dacweeynaa dimbiga loo yaqaan {ABUSE of Power}, waxaa dacwadda loo gudbinayaa Maxkamadda sare ,waxeey Maxkamadda sare soo codsaneysaa in xasaanadda laga qaado.
Baarlamaanka ayaa la weeydiisanayaa in si degdega Xasaanadda looga qaado kadibna marka  xasaanadda laga qaado waxaa lagu oogayaa dacwadda Cabdiraxmaan Odowaa.
Haddii aan sidaas la yeelin waxaa hubaala in maalin walba qof la xiri doono. iyadoo ugu dambeeyn ay dadka leeyska xiro la mid noqon doonaan Xildhibaanadda Baarlamaanka.
Sikastaba ha ahaatee, Damujadiid waxeey isku darsadeen Jaahilnimo,aqoondaro iyo kaligii talisnimo,waxaana taas laga dhex arkayaa in goobahooda waxbarashadda ardayda dhigato la baro dhaqankooda jahliga iyo sharci ka sareeynta ku dhisan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Topnews:- Wasiir Odowaa oo Xabsiga dhigay Ganacsade caana ? Sababta oo lala yaabay"
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-24T22:10:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Topnews:- Wasiir Odowaa oo Xabsiga dhigay Ganacsade caana ? Sababta oo lala yaabay"



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:10 PM and have 0 comments