Top Maqal: Fadeexad lagu helay Turkida Maamusha Garoonka & Dekada MUQDISHO.

Top Maqal: Fadeexad lagu helay Turkida Maamusha Garoonka & Dekada MUQDISHO.


ADVERTISEMENTS
Hanti Dhowraha Guud Ee Qaranka Dr.Nuur jimacaale Faarax oo maanta ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak ee Maamula Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ‘Aadan Cadde” iyo Dekedda weyn ee Muqdisho ay diideen in lala Xisaabtamo oo la ogaado waxa soo gala iyo waxa ka baxa.


Dr.Nuur jimacaale Faarax ayaa Xusay Shirkadahaasi ay iska dhaadhiciyeen in aan lala Xisaabtami karin oo aan la handi dhowri karin.



Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka ayuu ugu baaqay Dr.Nuur jimacaale Faarax in ay wax ka qabtaan inta aan la gaarin Bisha Janaayo oo Maalmo ay naga xigaan si loo soo xiro Xisaab xirka Sanadka 2015.



Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak aya Maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda weyn,iyadoo aysan jirin wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadahaasi Eeda loo jeediyay.


Halkaan Riix oo dhageyso



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Top Maqal: Fadeexad lagu helay Turkida Maamusha Garoonka & Dekada MUQDISHO.
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-29T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Top Maqal: Fadeexad lagu helay Turkida Maamusha Garoonka & Dekada MUQDISHO.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments