SHABAABKA KU BIIRAY DAACISH OO LA WAREEGAY DEEGAANKA BARWAAQO OO 12KM U JIRTA DEGMADA DHOOBLEY

SHABAABKA KU BIIRAY DAACISH OO LA WAREEGAY DEEGAANKA BARWAAQO OO 12KM U JIRTA DEGMADA DHOOBLEY


ADVERTISEMENTS
Xoogag hubeysan oo sida la sheegay ka go’ay Ururka Al Shabaab, kuna biiray Ururka Daacish, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay la wareegeen deegaanka Barwaaqo, oo 12km u jirta Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xoogagaan oo si weyn u hubeysnaa, sidoo kalana watay gawaarida dagaalka, ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, xilli aanay la kulmin wax iska caabin ah.

Saraakiishii horkaceysay xoogagaasi, ayaa waxay khudbad u jeediyeen dadka deegaanka, iyagoona isugu sheegay in ay ka tirsan yihiin waxa ay ugu yeereen Dowladda Khilaafada Islaamka.

Gobolada Koonfurta Somaliya, ayaa waxaa si weyn looga dareemay khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Al Shabaab, ee ka dhashay ka mid noqoshada Ururka Daacish, oo isugu yeeray Dowladda Khilaafada Islaamka.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa uu u kala jabay laba garab, garab taageersan Ururka Daacish iyo garab waloo weli ku adkeysanaaya, in laga sii mid ahaado Ururka Al Qaacidda.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SHABAABKA KU BIIRAY DAACISH OO LA WAREEGAY DEEGAANKA BARWAAQO OO 12KM U JIRTA DEGMADA DHOOBLEY
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-09T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SHABAABKA KU BIIRAY DAACISH OO LA WAREEGAY DEEGAANKA BARWAAQO OO 12KM U JIRTA DEGMADA DHOOBLEY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:30 PM and have 0 comments