SARKAAL U DHASHAY MAREYKANKA OO SHABAAB KA SOO GOOSTAY AYAA SHEEGAY DAGAALKA SHABAAB INUUSAN AHEYN MID JIHAAD AH

SARKAAL U DHASHAY MAREYKANKA OO SHABAAB KA SOO GOOSTAY AYAA SHEEGAY DAGAALKA SHABAAB INUUSAN AHEYN MID JIHAAD AH


ADVERTISEMENTS
C/maalik Johns oo ah Sarkaalka u dhashay dalka Mareykanka ee Axadii gelinkii dambe isku soo dhiibay ciidamada Dowladda  Somaliya ee ku sugan Degmada Baraawe, ayaa sheegay Shabaab dagaalka ay ku jiraan inuusan aheyn mid jihaad ah.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan Somaliya inuu yimid Dabayaaqadii Sanadkii 2012 uuna ku biiray Shabaab, ujeedada Somaliya uu u yimid ayuu ku sheegay inay tahay Sare u qaadista Diinta Islaamka, balse muddo markii uu Shabaab la joogay uu ogaaday Shabaabka inaysan u dagaalamin Diin.

C/maalik Johns waxa uu tilmaamay Shabaab inay dadka cadaadiyaan, islamarkaana dhibaato badan ay ugeystaan oo xitaa ay dilaan isaga oo warkiisa intaasi raaciyay in isaga laftiisa xitaa dhowr mar uu ka bad-baaday Shabaabka oo ay dili rabeen.

Ugu dambeyn ayuu sheegay inuu go'aansaday inuu isku soo dhiibo ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Degmada Baraawe si naftiisa uu Shabaabka uga bad-baadsado.

“Kadib Imaanshaheyga Somaliya oo aan u imid sidii Diinta Islaamka kor loo geyn lahaa, in badan oo Shabaab aan la joogay kadib waxaan ogaaday inaysan Shareeco aheyn waxa ay ku dhaqmayaan Shabaabka, sababtoo ah dadka wey iska dilaan waana ay cadaadiyaan, taas ayaa ah mida igu kaliftay inaan ka soo goosto Shabaabka.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

C/maalik Johns ayaa waxa uu sheegay hada inuu diyaar u yahay sidii uu ugala shaqeyn lahaa ciidamada Dowladda dagaalka ka dhanka ah Ururka Shabaab.

Sarkaalkaan ayaan la ogeyn in Magaalada Muqdisho loo soo qaaday iyo in Magaalada Baraawe lagu haayo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SARKAAL U DHASHAY MAREYKANKA OO SHABAAB KA SOO GOOSTAY AYAA SHEEGAY DAGAALKA SHABAAB INUUSAN AHEYN MID JIHAAD AH
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-09T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SARKAAL U DHASHAY MAREYKANKA OO SHABAAB KA SOO GOOSTAY AYAA SHEEGAY DAGAALKA SHABAAB INUUSAN AHEYN MID JIHAAD AH



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments