Ruushka oo ku guuldareystay baaritaanka Diyaaradii Turkiga soo riday

Ruushka oo ku guuldareystay baaritaanka Diyaaradii Turkiga soo riday


ADVERTISEMENTS
Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa Isniintii shalay shaacisay inay ku guuleysan waayeen inay soo saaraan xogta ku jirtay Computerka Diyaaradii Ruushka ee 24kii bishii November uu Turkiga kusoo riday xaduuda dalka Siiriya.

Dowlada Ruushka ayaa ku doodeysay in diyaaradooda ay mareysay hawada dalka Siiriya xiliga ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, halka dowlada Turkiga ay sheegtay in diyaarada Ruushka ay kusoo xad-gudubtay hawadooda.

Ciidamada Ruushka iyo kuwa Siiriya ayaa ku guuleystay inay burburka diyaaradaasi kasoo helaan Computerka xogta aruuriya ee saarnaa diyaaradaasi oo nooceeda ahayd SU-24. Kaydka Computerka diyaarada ee loo yaqaan (Black Box) ayaa la geeyey magaalada Moscow halkaasi oo lagu baarayey.


Khubarada Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa sheegay in burbur xoogan uu soo gaaray qalabkaasi saarnaa diyaarada taasi oo adkeysay in banaanka lasoo dhigo xogta ku kaydsan computerka.

Xogta Computerkan laga heli karay ayaa waxaa kamid ah hawada ay diyaaradaasi mareysay xiliga lasoo riday iyo in wax digniin ah diyaaradaha Turkiga siiyeen duuliyaha Ruushka oo isagu sheegay in gantaal lagu dhuftay iyagoo aan wax digniin ah lasiin.

Ruushka ayaa sheegay in khubarada ka socota dalalka caalamka sida China, UK iyo USA u bandhigi doonaan inay gacan kasiiyaan sida lagu soo saari karo xogta muhiimka u ah baaritaanka diyaaradii Turkiga soo riday.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ruushka oo ku guuldareystay baaritaanka Diyaaradii Turkiga soo riday
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-23T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ruushka oo ku guuldareystay baaritaanka Diyaaradii Turkiga soo riday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:30 AM and have 0 comments