Qushuuca Qalbiga -Geeraar Qalbi walba taabanaya

Qushuuca Qalbiga -Geeraar Qalbi walba taabanaya


ADVERTISEMENTS
Dhambaalada jaceylka ee aad kaga barayeen wacdaraha.com ayaa maanta idinku haynaa erayo qalbi walba qushuuc galin doona marka dhadhan dareen leh aad erayadan kala dhex baxdaan.

Akhiriso:-

Qalbigii aad Jeceshahaa

Ileen loo Qashuucaa

Nafta Lagu Qabtaayoo

Loo Quurin Hadimadaa

Qosli Maayo Anigoon

Qoys Kula Qorshayninee

Qaadir Ha Igu Kaa Simo

Ha i Daayo Qarawguye

Qurux Meel La Dhigayoo

Aan La Quurin Baad Tahay

Qarnigaynu Joognana

Qalbigaygi Baad Tahay

Qof Ku Jecel ayaan ahay

Runtii Qeexay Baan ahay

Waxaan Qariyo Ma Hayee

Nafaad Qaadataan Ahay

Qorshahayga Noloshana

Qeyb ka mid ah ayaad tahay

Sidaan Kuu Qadariyana

Iila Qeybso Caashaqa

Inta ay Qabyada Tahay

Waa Qarsoodi Sheekadu

Qofna Yuusan Kaa Maqal

Qaadoo Dhig yey Noqon

Qufulkana Anaa Hayee

Furaha Adigu Qabo

*******************

Qotonkaagii Inan Yahay

Rabigii Qorsheeyee

Xubnaha Qoray Baan

Mahad weyn u Qirayaa

Qancisayee Naftaydii

Qabriga anigoo galin

Kaa Quusan Maayee

Calaf Ha Isku Keen Qoro

Qurux Meel La Dhigayoo

Aan La Quurin Baad Tahay

Qarnigaynu Joognana

Qalbigaygi Baad Tahay

Qof Ku Jecel ayaan ahay

Runtii Qeexay Baan ahay

Waxaan Qariyo Ma Hayee

Nafaad Qaadataan Ahay

Qorshahayga Noloshana

Qeyb ka mid ah ayaad tahay

Sidaan Kuu Qadariyana

Iila Qeybso Caashaqa

Inta ay Qabyada Tahay

Waa Qarsoodi Sheekadu

Qofna Yuusan Kaa Maqal

Qaadoo Dhig yey Noqon

Qufulkana Anaa Hayee

Furaha Adigu Qabo ,,,,,



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qushuuca Qalbiga -Geeraar Qalbi walba taabanaya
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-19T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qushuuca Qalbiga -Geeraar Qalbi walba taabanaya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments