Qarax lagu weeraray masjidka ugu weyn Addis Ababa

Qarax lagu weeraray masjidka ugu weyn Addis Ababa


ADVERTISEMENTS
Qarax nooca bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray masjidka Anwar ee ku yaal suuqa Markaato, kaasoo ah masjidka ugu weyn Itoobiya.

24 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaani, iyadoo shan ka mid ah ay yihiin xaaladooda mid culus. waxaana qaraxaan lagu xili salaadii maqrib ee xalay dadku ku jireen.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda ayaa sheegay inaysan weli ogeyn cida ka dambeysa qaraxan, balse wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno ku aaddan qaraxa iyo ciddii mas’uulka ka ahayd.


Ma jirto cid sheegaday mas’uuliyada qaraxaan, waxaana socda baaritaano ay ciidamada amaanka wadaan.

Goobta uu masjidka Anwar ku yaal oo ah suuqa ugu weyn bariga Afrika ayaa lagu magacaabaa Markaato, waxaana ku xoogan Muslimiinta Itoobiya oo hantidada ugu badan ku leh.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qarax lagu weeraray masjidka ugu weyn Addis Ababa
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-13T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qarax lagu weeraray masjidka ugu weyn Addis Ababa



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments