Muqdisho: Rasaas habeenkii xalay la isku weydaarsadey meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha

Muqdisho: Rasaas habeenkii xalay la isku weydaarsadey meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha


ADVERTISEMENTS
Warar ay gaaloos Media heleyso ayaa sheegaya in habeenkii xalay laga maqlay rasaas culus meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cadde, rasaasta ayaa socotey muddo 20 daqiiqo ah.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in koox wadatey doon yar ay isku dayeen in ay garoonka ka soo galaan dhanka badda, waxaana ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada AMISOM.

Waxaa si weyn looga shaki qabaa in kooxdaani ay ka tirsanaayeen al-Shabaab. Ilo warbaahinta kula hadley in aan la soo xigan ayaa sheegaya in AMISOM ay fashilyeen weerar abaabulan.

Garoonka diyaaradaha waxaa ka socda shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya 2016, waxaana ku sugan inta badan madaxda Soomaaliya. Shirka oo ballansanaa maanta in uu qabsoomo ayaa baaqdey kadib weerarka habeenkii xalay lagu qaadey halka shirku ka socdo ee Garoonka diyaaradaha, sidoo kale waxaa muddo kooban hakad la galiyey hawlihii Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde, iyada oo ay saakey baaqatey diyaaradii Turkish Airlines oo maalinle ahayd.

Dowladda iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin sida wax u socdaan iyo in ay weerar fashiliyeen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Muqdisho: Rasaas habeenkii xalay la isku weydaarsadey meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-15T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Muqdisho: Rasaas habeenkii xalay la isku weydaarsadey meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:30 AM and have 0 comments