Mucaaradka Suuriya oo jid la siinayo

Mucaaradka Suuriya oo jid la siinayo


ADVERTISEMENTS
Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in xerada qaxootiga ee Yarmuuk ay yimaadeen basas, ka hor daadgureynta la filayo ee dagaalyahaniinta mucaaradka iyo qoysaskooda kaasi oo ah heshiis ay Qaramada Midoobay ku dhexjirtay oo la gaaray.
Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in xerada qaxootiga ee Yarmuuk ay yimaadeen basas, ka hor daadgureynta la filayo ee dagaalyahaniinta mucaaradka iyo qoysaskooda kaasi oo ah heshiis ay Qaramada Midoobay ku dhexjirtay oo la gaaray.
Saraakiil ku dhow dhow wada hadalada ayaa sheegay in basaska la filayo inay bilaabaan inay baxaan maalinta Sabtida, laakiin weli ma kala cadda xillig.
Waxaa la dareensan yahay in weli wada hadalku socdo. Jabhadaha mucaaradka oo ay ku jiraan kooxda la baxday dowladda Islaamiga iyo Jabdahha Nusrad waxaa la siin doonaa jid ay ka baxaan oo ay ku gaaraan qaybaha kale ee dalka Suuriya.
Taa beddelkeeda Qaramada Midoobay waxay awoodi doontaa inay gudbiso gargaarka bini'aadanimo ee aadka loogu baahan yahay oo ay geyn doonto xerada Yarmuuk oo ay ku badan yihiin Qaxootiga Falastiiniyiinta, kuwaasi oo dhibaato ay ka soo gaartay dagaallo kooxeeydo u dhaxeeya dhinacyo hubeysan oo iska soo horjeeda.
Heshiiska ayaa waxa uu ka saarayaa cadawga dowladda Suuriya meelaha ku xeeran caasimadda. Ugu yaraan sideed iyo toban kun oo qof ayaa la aaminsan yahay inay ku go'doonsan yihiin.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Mucaaradka Suuriya oo jid la siinayo
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-26T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Mucaaradka Suuriya oo jid la siinayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments