MID KA MID AH CIIDAMADA JABUUTI OO KU DHINTAY DAGAAL BEELEEDKII MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BALEDWEYNE

MID KA MID AH CIIDAMADA JABUUTI OO KU DHINTAY DAGAAL BEELEEDKII MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BALEDWEYNE


ADVERTISEMENTS
Askari ka mid ah Ciidamada Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa uu ku dhintay dagaalkii maanta ka dhacay Magaaladaasi.

Dagaalkan, ayaa wuxuu u dhaxeeyay laba beelood oo walaala ah, kuwaa oo ku dagaalamay xaafadda Hawlwadaag, wuxuuna dagaalkoodaan uu daba socdaa dilal la xiriira aanooyinka beelaha.

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaaya in askarigan uu ka mid ahaa toboneeyo ka mid ah Ciidamada Jabuuti, oo dadaal ugu jiray in ay kala dhex galaan beelaha wada dagaalamaaya.

Dagaalkii maanta, ayaa ahaa mid xoogan oo hubka noocyadiisa kala gedisan leesku adeegsaday, iyadoona uu Maqribkii uu si iskiis ah uu u joogsaday, xilli aanay jirin cid xabad joojin kala dhex dhigtay.

Xiisad, ayaa caawa ka taagan xaafadda Hawlwadaag, waxaana mararka qaar laga maqlayaa rasaas teel teel ah, iyadoo ay dadku ku sheegayaan in ay ka baqdin qabaan in dagaal uu dhaco berrito.

Waxaa soconaaya dadaalo ballaaran oo looga hortagaayo in dagaal dambe aanu ka dhicin xaafadaasi Hawlwadaag. Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka, ayaa waan-waan ka dhex wada dhinacyadaasi.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MID KA MID AH CIIDAMADA JABUUTI OO KU DHINTAY DAGAAL BEELEEDKII MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BALEDWEYNE
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-15T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MID KA MID AH CIIDAMADA JABUUTI OO KU DHINTAY DAGAAL BEELEEDKII MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BALEDWEYNE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments