Media: Dhalinta gudaha oo ka qaylinaya qurbajoogta #HaDhicinDhalinyarada

Media: Dhalinta gudaha oo ka qaylinaya qurbajoogta #HaDhicinDhalinyarada


ADVERTISEMENTS
Iyada oo uu furmey shir gaar ah oo loogu tala galay dhalinyarada Soioomaaliyeed, isla markaana loogu magacdarey Shirweynaha Wadatashiga Dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa waxaa soo baxaya cabasho weyn oo ayh muujinayaan dhalinyarada gudaha dalka ku nool.


Baraha bulshada ayey ku soo gudbiyeen cabashooyinkooda, waxaana ay halkudhig uga dhigeen iyaga oo isticmaalaya Hashtag #HadhicinDhalinyarada, oo macnaheedu yahay dhalinyarada xaqooda haka dhicin hana siin cid kale.

Dhalinyarada gudaha ayaa sheegaya in shirkaan laga buuxiyey qurba-joog waxa maamulayana ay yihiin qurba-joog, dhalinyarada aan dalka marna ka bixin ee shacabkooda u adeegayeyna ay banaanka ka joogaan.

Qaar ayaa sheegaya in dhalinyarada waxa tahriibka ku kalifey ay ka mid tahay in shaqooyinka iyo masuuliyadda ay leeyihiin aan lagu tixgelin, waxaana ay is weydiinayaan cidda looga dacwooodo QURBAJOOG.

Qaar kamid ah Dhalinyarada qurba joogta oo ka qaybqaadanaya doodad socota ayaa sheegaya in fariimaha ku socda #HaDhicinDhalinyarada ay yihiin kuwo kala qaybinaya Dhalinyarada.

hoos ka akhri fariimaha ay soo gudbinayaan.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Media: Dhalinta gudaha oo ka qaylinaya qurbajoogta #HaDhicinDhalinyarada
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-16T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Media: Dhalinta gudaha oo ka qaylinaya qurbajoogta #HaDhicinDhalinyarada



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments