MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA COMOROS OO LAGU QABTAY XEEBAHA MAGAALADA KISMAAYO (DAAWO SAWIRADA) -

MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA COMOROS OO LAGU QABTAY XEEBAHA MAGAALADA KISMAAYO (DAAWO SAWIRADA) -


ADVERTISEMENTS
Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Amisom, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen markab laga leeyahay wadanka Comoros, xilli uu kalluumeysi sharci darro ah uu ka waday xeebaha Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Maamulka Jubbland, C/naasir Seeraar, ayaa wuxuu sheegay in markabkaasi uu muddo toddobaad ah uu kalluumeysi ka waday xeebaha Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay ku soo wargeliyeen dadka deegaanka.

Afhayeenka, ayaa wuxuu bidhaamiyay in markabkaasi la qabtay gelinkii dambe ee Talaadadii shalay, iminkana uu ku xiran yahay Dekeda Magaalada Kismaayo, lagana dejiyay shaqaalihii saarnaa.

Korneyl John Kipta, Taliyaha Ciidanka Amisom ee Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in si nabadgelyo ah ay ku soo qabteen markabkaasi oo laga leeyahay buu yiri dalka Comoros.

Taliyaha, ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in markabkaasi ay la socdeen sagaal qof oo shaqaale ah, una dhashay dalka Madagascar.

Jubbaland, ayaa waxay guddi u xil saartay in baaritaano ku soo sameeyaan waxyaabaha saaran markabkaasi, si loogu soo bandhigo Saxaafadda.













ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA COMOROS OO LAGU QABTAY XEEBAHA MAGAALADA KISMAAYO (DAAWO SAWIRADA) -
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-09T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA COMOROS OO LAGU QABTAY XEEBAHA MAGAALADA KISMAAYO (DAAWO SAWIRADA) -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments