Magaalada London oo dad lagu tooriyeeyay

Magaalada London oo dad lagu tooriyeeyay


ADVERTISEMENTS
Tooriyeyn ka dhacday goob boosteejo ah oo ku taalla London ayaa booliska UK baarayaan sida “dhacdo argagixiso”, sida ay booliska sheegeen.
Qof ayay booliska xireen kaddib dhacdadaasi oo qofna uu si xun ugu dhaawacmay laba kalena ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.
Waxa ay booliska tilmaameen in si isdaba joog ah loogu soo warammay in qofka weerarka qaaday uu si xiriir ah dadka u handadayay.
Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay nin middi haysta oo meel dhowr tallaabo u jirta taagan, oo dul taagan qof jiifa iyo dadka oo ka kala cararaaya boosteejada Leytonston.
Taliyaha hoggaaminaya ciidamada argagixisa la dagaallanka Richard Walton, waxa uu sheegay “in arrintan ay ula dhaqmayaan sida dhacdo argagixiso”, wuxuuna dadka London ku nool u sheegay inay feejignaadaan oo ayna isdejiyaan, lana socdaan hareerahooda xaaladda ka taagan.
Waxa uu intaasi ku daray in weerar argagixiso ay aad suuragal u tahay inuu ka dhoco London.
Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya qofka wax weeraray oo middi sita iyo iyadoo boolis ay ku hareereysan yihiin isaga qeylinaaya.
Waxaa kala go’ay qadadkii isku xirayay bartamaha London tani iyo markii boostiijada la weeraray.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Magaalada London oo dad lagu tooriyeeyay
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-08T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Magaalada London oo dad lagu tooriyeeyay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments