MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SAAKA TAGAY KOONFURTA MAGAALADA GAALKACYO (SAWIRRO) -

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SAAKA TAGAY KOONFURTA MAGAALADA GAALKACYO (SAWIRRO) -


ADVERTISEMENTS
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu saaka tagay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo tagay, waxaa qayb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland waxaa Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Mamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo intaasi kadib dhinacyada ay kuwada quraacdeen Hotelka Five Star ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Sida qorshaha uu yahay Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankiisa la filayaa isna in uu tago Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo si loo muujiyo heshiiska Nabadda Gaalkacyo.

Ifafaalo nabadeed ayaa ka muuqata Magaalada Gaalkacyo iyo Dhaqangalka Heshiiska Nabadeed, iyadoo goor dhaw lagu wado in ciidamada la kala qaado.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa ku bixiyay Magaalada Gaalkacyo juhdi badan oo ku aadan sidii nabadda Gaalkacyo loo adkeyn lahaa.








ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SAAKA TAGAY KOONFURTA MAGAALADA GAALKACYO (SAWIRRO) -
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-05T18:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SAAKA TAGAY KOONFURTA MAGAALADA GAALKACYO (SAWIRRO) -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 PM and have 0 comments