MADAXWEYNAHA KENYA IYO RAIISAL WASAARAHA ITOOBIYA OO HESHIIS KU GAARAY MOOYAALE (DAAWO SAWIRADA)

MADAXWEYNAHA KENYA IYO RAIISAL WASAARAHA ITOOBIYA OO HESHIIS KU GAARAY MOOYAALE (DAAWO SAWIRADA)


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa waxay markii ugu horeysay ku kulmeen Magaalada Mooyaale.

Madaxdan, ayaa waxay Isniintii ka wada hadleen sidii lagu dhammeen lahaa dagaalka beelaha ku saleysan, ee ku soo noq noqday Mooyaale iyo deegaanada kale ee ku xeeran. Mooyaale waxay u dhaxeysaa labadaasi dal.

Mooyaale waxaa degan dad xoolo dhaqato ah, kuwaa oo xilliyada jiilaalka isku dagaala dhulka daaqsiinta iyo waraabka xoolaha, waxaana marar fara-badan ku wada dagaalamay xoolaleyda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ballanqaaday in ay samayn doonaan tallaabo kastaa, oo dhinacooda kaga xiran, sidii lagu soo afjari lahaa dagaalada u dhaxeeya dadka xoolo dhaqatada.

Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa isna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay, sidii looga miro dhalin lahaa heshiiska ay la gaareen Kenya, ee ah soo afjaridda dagaaladaasi.

Kenyatta iyo Desalegn, ayaa ballanqaaday inay samayn doonaan mashaariic ay ka hirgelinayaan labada cirif ee Mooyaale, iyadoo markaasi ay xoolo dhaqatadu ka helayaan, waxyaabo baajin kara inay wada dagaalamaan.

Itoobiya iyo Kenya, ayaa waxay kulankaasi ku kala saxiixdeen heshiis ku qotoma in nabadgelyada laga wada shaqeeyo. Waxaana heshiiskaasi u kala saxiixay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee labada dal.








ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MADAXWEYNAHA KENYA IYO RAIISAL WASAARAHA ITOOBIYA OO HESHIIS KU GAARAY MOOYAALE (DAAWO SAWIRADA)
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-08T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MADAXWEYNAHA KENYA IYO RAIISAL WASAARAHA ITOOBIYA OO HESHIIS KU GAARAY MOOYAALE (DAAWO SAWIRADA)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments