MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY PUNTLAND INAY QASAB KU TAHAY AQOONSIGA GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY PUNTLAND INAY QASAB KU TAHAY AQOONSIGA GALMUDUG


ADVERTISEMENTS
Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay Maamulka Puntland inay qasab ku tahay Aqoonsiga Maamulka Galmudug.

Puntland ayaa si adag kaga biyo diidan inay aqoonsato Maamulka jaarka ay yihiin ee Galmudug, waxaana ay sheegaysaa Puntland in Dastuurka Somaliya loo jabiyay dhismaha Maamulka Galmudug.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay xiriir wadashaqeyn ah oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug inay tahay guusha horumarka Somaliya.

 “Puntland waa dowlad gobaleedkii ugu horeeyay 18-sano ayeey jirtay, waxaa laga rabaa inay cid kasta oo gadaasheed dhalatay inay gardaadiso oo horumarka iyo guusha kusii wado, waa qasab Galmudug inay la shaqeyso walaalahooda Puntland u aqoonsadaan dowlad gobaleed iyaga ka horeeyay lana shaqeeyaan, Puntland waxaa qasab ku ah inay aqoonsato maamulka deriska la ah ee Galmdug, la shaqeynaya ay wax ka dhaxeeyaan oo aanay noqon inay iska indha saari karayso, qolo walba waxaa la rabaa inay qaadaan wadada dhabta ah ee ay leeyihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uu sheegay Khilaafkii u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in si hoose loo xaliyay.

“Waxaan u maleynaa Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid jiido, iyadana kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax sheeganayay isagana hoos baan uga heshiinay” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.


   

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY PUNTLAND INAY QASAB KU TAHAY AQOONSIGA GALMUDUG
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-08T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY PUNTLAND INAY QASAB KU TAHAY AQOONSIGA GALMUDUG



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments