Maamulka Qardho oo wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin kasoo baxday Hay’ada NISA (sawiro + dhagaysi)

Maamulka Qardho oo wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin kasoo baxday Hay’ada NISA (sawiro + dhagaysi)


ADVERTISEMENTS
kulan maanta ka dhacay magaalada Qardho islamarkaana aysoo agaasimeen maamulka magaalada ayaa lagu beeniyay war kasoo baxay Hay’ada nabad sugida NISA kasoo ahaa in Qardho ay kamid tahay deegaano  ay ka howlgalaan NGO iyo iyo dad faafiya Mad’habta Shiicada kuwaasoo hoos taga Safaarada dalka Iiraan.

Gudoomiyaha degmada Qardho oo ugu horayn  kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax shiico ah ama xitaa dad u dhashay wadanka Iiraan oo Qardho kusugun waxa uu sidoo kale gudoomiyhu wax kama jiraan ku tilmaamay in Qardho ay ka howlgalaan NGO yo howlaha shiicaynta ka shaqeeyay ama xiriir lala leh dalka Iiraan mar gudoomiyaha la waydiiyay waxa qardho loo doortay Malaga yaabaa in ay jirto Qoxootiga yamaniyiinta ee kasoo barakacay dalka yaman oo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya xuuthiyiinta oo xiriir la leh Iiraan iyo dowlada dalkaas ayaa waxa uu ku jawaabay inay ka warhayaan xaaladaha daka yamaniyiinta ee ku nool magaalada Qardho sidoo kalena ay hayaan dhamaan xogaha Qoxootiga, Qoxootigana aysan ku jirin dad arintaa ka shaqeeya.


Dhamaan masuuliyiinti goobta ka hadashay ayaa wax layaab ah ku tilmaamay arinta kasoo yeertay Hay’ada Nabad sugida Qaranka soomaaliyeed ee NISA taasoo ah in deegaano Qardho ay ku jirto laga Faafiyo Mad’habka Shiicada arintaasna laga leeyahay dano gaar ah sidoo kale ka codsaday cid alle cida arintaa ka dambaysa inay raaligalin ka bixiyaan.

Maamulka gobolka iyo degmada ayaa gabgabadii goobta ka xusay inay arintaa halkaa aysan uga hari doonin ee ay sii dabagali doonaan ilaa la helo sababta xiligaan keentay in Qardho oo ah magaalo maamul leh sidoo kale ay ka howlgalaan Hay’ado amni in dusha laga saaro arin aan wax laga waydiin xitaa wax xiriir ah aan lala soo samayn.

Beeninta maamulka Magaalada Qardho uu ku beeninayo arintaan ah in shiico ay ku sugan tahay ama kooxo xiriir la leh dalka Iiran ay ku sugan yihiin magaalada Qardho ayaa imaanaysa xili hay’ada NISA ay soo bandhigtay labo qof oo ay ku sheegtay inay wadanka u joogeen howlo lagu faafinayo mad’habka shiicada.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Maamulka Qardho oo wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin kasoo baxday Hay’ada NISA (sawiro + dhagaysi)
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-28T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maamulka Qardho oo wax kama jiraan ku tilmaamay warbixin kasoo baxday Hay’ada NISA (sawiro + dhagaysi)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments