LABA NIN OO MAANTA LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO (SAWIRRO)

LABA NIN OO MAANTA LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO (SAWIRRO)


ADVERTISEMENTS
Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in maanta siyaabooyin kala duwan loogu dilay laba nin, oo ka tirsanaa Hay’adaha Dowladda Somaliya.

Raggan, ayaa lagu kala magacaabi jiray C/risaaq C/qaadir Xaaji Masalle iyo C/laahi Muumin, ayaa lagu kala dilay Degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Weerarka ka dhacay Degmada Wadajir, ayaa waxaa lagu dilay C/laahi Muumin. Marxuumka ayaa ka shaqaynaayay Bankiga Dhexe Somaliya.

C/risaaq C/qaadir, ayaa waxaa isna lagu dilay weerarka labaad oo ka dhacay Degmada Hodan. Waxaa soo baxaaya in C/risaaq uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka ee Dowladda, oo ka xiriira labada xubnood ee maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Waa sawirro muujinaaya dilka C/risaaq oo ka dhacay wadada Taleex ee Degmada Hodan.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: LABA NIN OO MAANTA LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
LABA NIN OO MAANTA LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments