Jawaasiista Soomaalida ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo Cabsi ay soo Food Saartey ka dib markii ay Maqleen Taliskii Tigrega

Jawaasiista Soomaalida ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo Cabsi ay soo Food Saartey ka dib markii ay Maqleen Taliskii Tigrega


ADVERTISEMENTS
Jawaasiista Soomaalida ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo Cabsi ay soo Food Saartey ka dib markii ay Maqleen Taliskii Tigrega ee Dalkaas Mudo Dheer ku Amar Taagleynayey in uu Gabalkiisii sii dhacayo. ( Fadlan Walaal Akhri Warbixin Arimahaas ka Hadleysa )

Gudcurkii la soo dhaafyee nabsi gudaaya baa yimid, waagiisii galac yiriye, gablan weeye cadawguye waa gabaabsi taliskiiye,waxey galabsadeen baa laga goynayaa, Kani galbey ku kale mooyee waa guul Alle, erayadan waxey ka mid ahaayeen mid ka mid ah heesahii ay qaadi jireen hobolada qaranka ee waaberi sanadkii 1977,kii xiligaasoo dagaalo ay u dhaxeeyeen soomaaliya iyo itoobiya waxaana heesta lagu guubaabinayey ciidamadii geesiyaasha soomaaliyeed oo dharbaaxooyin culus waqtiyadaas ku dhuftey kuwa itoobiya.

Marka la eego xaalada haatan ka taagan dalka itoobiya ayaa waxaa muuqata in heestaasi tilmaamaha ay bixineyso maanta in ay heysato taliska tigrega ee itoobiya xukuma iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka socdeen gobolo badan oo dalkaas ah banaanbaxyo iyo kacdoon weyn oo ay wadaan qowmiyada oromada oo ah tan ugu badan shucuubta ku nool itoobiya waxaana jirta iyada iyo qowmiyado kale oo soomaalida ku nool dhulka soomaaliyeed ee galbeedka ku yaala in mudo dheer dulmi lagu haayey waxeyna dhamaantood doonayaan iney iska dul qaadaan xukunkaas arxan laawaha ah.

Markeynu eegno jamhuuriyada xorta ah ee soomaaliyeed sida dad badan ay ogyahiin waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka dawlada itoobiya waxey faro gelin aad u weyn ku heysey arimaha gudaha ee soomaaliya iyadoo abuurtey hogaamiye kooxoodyo hubka ay isugu dhiibtey kuwaasoo diidey in dawlad soomaaliyeed la dhiso sidoo kalena jawaasiis soomaali ah oo aad u badan kalana heer ah sameysatey kuwaasoo ay ku fushato danaheeda waxaana ayba gaartey heer ay ka amar qaataan dhamaan madaxda soomaalida gobol kuu doono ha joogee.

Itoobiya sidoo kale waxey gacan weyn ku yeelatey golo wasiiro kasta oo la dhiso in rag ay ku yeelato si gaar ahna jagooyinka muhiimka ah loogu dhiibo waxaana kaloo u suura galey xildhibaanada baarlamaanka in qaar u adeega ay ka mid noqdaan iyo weliba danjireyaal gacan saar la leh waxaana ragan ay aamineen hadii Itoobiya aysan jaajuus u noqon in aysan xil ka qabaneyn dawlad soomaaliyeed.

Ficilada guracan ee itoobiya ay somaliya ka geysatey lana xusi karo waxaa kaloo ka mid ah in markii sanadkii 2006 ay soomaliya soo galeen ciidankeeda gaar ahaan magaalada muqdisho waxa ay ku dileen dad ka badan 60 kun oo qof waxaana sidoo kale mudo dheer ay ku lug laheyd dilka saraakiil ciidan oo badan,aqoon yahano iyo qof kasta oo ay arkaan inuu fahmayo dhagartooda.

Hadaba iyadoo fara gelinta itoobiya mudada dheer ay ku heysey soomaaliya heerarkaas kala duwan ay soo martey warbixintan keliyana aan kusoo koobi karin ayaa waxaa jirta maalmahii la soo dhaafey marar kala duwan in aan telefonka kula hadley rag wadaniyiin ah oo aan axsaab nahay kuna sugan magaalada muqdisho kuwaasoo si weyna ugu dhuun daloola xaaladaha siyaasadeed ee soomaaliya waxaana ragaas ay ii xaqiijiyeen in walaac xoog leh uu soo food saarey madaxda ugu sareysa soomaaliya,kuwa maamul goboleeydyada, qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibaano Jawaasiis u ah dawlada Itoobiya ka dib markii ay maqleen in gabalkeedii uu sii dhacayo xukuumada Itoobiya ee Tigrega uu ku amar taagleeyo.

Ragaas waxey ii sheegeen in maalmahii la soo dhaafey magaalada muqdisho kooxahaas soomaalida ee jaajuusyada ah uu shirinayey General Gabre oo u madax ah.

Marka aad aragto ragaas sirdoonka itoobiya jaajuusyada u ah wejiyadooda waxaa laga dareemayey cabsi xoog leh iney heyso qaarkoodna halkii ay deganayaan habeenadii ma seexdaan waxaana ay taagan yahiin shalayti mar hadii ay qiyaameen qarankooda soomaaliya sidaas waxaa igu yiri nimanka saaxibadeyah ee ku sugan magaalada muqdisho.

Ugu dambeyntii warbixintan aan kusoo xiro qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee abwaan Abshir Bacadle isagoo umaddiisa soomaaliyeed uga digayey sharta nimankaa Jaajuusyada u ah cadawga soomaaliya ee Itoobiya waxaana uu yiri:

Ukumihii Amxaaradoo ummaddii uf dhahdaad tihiin,
Abuur Itoobiya aan arkaa ummaddii yaanse aqbalayn,
Taariikh madowboo aan tirmeyn tabcaneyaal Tigrey u taal,
Wixii wacaaya wiil Amxaar wallaahi waa la weel duwaa,
Hadday Tigree u tanaasuleen inaan ka tashaney tegee.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Jawaasiista Soomaalida ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo Cabsi ay soo Food Saartey ka dib markii ay Maqleen Taliskii Tigrega
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-20T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jawaasiista Soomaalida ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo Cabsi ay soo Food Saartey ka dib markii ay Maqleen Taliskii Tigrega



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments