Jaamacada Carabta oo cambaareysay ciidamada Turkida ee jooga Ciraaq

Jaamacada Carabta oo cambaareysay ciidamada Turkida ee jooga Ciraaq


ADVERTISEMENTS
Ururka Jaamacada Carabta ayaa markii ugu horeysay cambaareeyey ciidamada dalka Turkiga ee ku sugan gudaha wadanka Ciraaq.

Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil al-Arabi ayaa ku sheegay soogelitaanka ciidamada Turkida ee gudaha wadanka Ciraaq mid jabineysa sharuucda Caalamiga ah.

Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Jaamacada Carabta oo kulan Khamiistii shalay ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa codkooda ku taageeray codsi ka yimid dowlada Ciraaq oo markale ugu baaqday dowlada Turkiga inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Ciraaq.

Dowlada Turkiga ayaa horaantii bishan cutubyo ka tirsan ciidamadeeda iyo gaadiidka dagaalka u dirtay waqooyiga Ciraaq, xukuumada Ankara ayaa sheegtay in ciidankooda uu tababar siinayo ciidamada maamulka Kurdida iyo jabhadaha Sunnida ah ee ka dagaalamaya duleedka magaalada Mosul oo weli ku jirta gacanta kooxda Daacish.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Jaamacada Carabta oo cambaareysay ciidamada Turkida ee jooga Ciraaq
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-25T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jaamacada Carabta oo cambaareysay ciidamada Turkida ee jooga Ciraaq



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments