HOTEEL KU YAALLO MAGAALADA NAIROBI OO LAGA HELAY MEYDKA HAWEENAY SOOMAALI AH

HOTEEL KU YAALLO MAGAALADA NAIROBI OO LAGA HELAY MEYDKA HAWEENAY SOOMAALI AH


ADVERTISEMENTS
Hoteel ku yaallo Magaalada Nairobi ayaa laga dhex helay Qol ka mid ah Meydka Haweenay Dhalinyaro ah oo u muuqatay mid Qolkaasi lagu dhex dilay.

Mid ka mid ah Shaqaalaha qaybta Nadaafada Hotelka oo ku guda jira Howl maalmeedka caadiga ah ayaa la kulmay Qolkii ay lagu dhex dilay haweenayda, waxaana durbadiiba ay ku wargeliyeen ciidamada Booliska Magaalada Nairobi.

Ciidanka oo goobta soo gaaray ayaa halkaasi waxa ay ka qaaden meydka Gabadha oo da’deeda lagu qiyaasay 20 sano jir, waxaana socoto Baaritaan ku aadan qofkii ka dambeeyay dilka Gabadha.

Gabadha ayaa la sheegay ka hor inta aanan la dilin in la kufsaday kadibna la dilay, sida ka muuqatay Qoorteeda oo Dhaawacyo waaweyn ay ku yaaleen.

Taliyaha ciidamada Dambi Baarista CID-da ee Nairobi Ireri Kamwende ayaa sheegay in haweeneyda la helay meydkeeda uu qolka la kireystay nin magaciisa lagu soo koobay John, kaas oo aan ilaa iyo hada heybtiisa la aqoonin.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen Maamulka Hotelka inay ku soo rogayaan Dacwad ku saabsan inaysan macluumaad buuxa ka qorin dadka Hoteelka ay ka kireynayaan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: HOTEEL KU YAALLO MAGAALADA NAIROBI OO LAGA HELAY MEYDKA HAWEENAY SOOMAALI AH
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-09T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
HOTEEL KU YAALLO MAGAALADA NAIROBI OO LAGA HELAY MEYDKA HAWEENAY SOOMAALI AH



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments