HAL RUUX OO KU GEERIYOODAY 37 KALENA WAA AY KU DHAAWACMEEN, KADIB HAWEENAY GAARIGA WADATAY OO DADKAAN JIIRSIISAY MAGAALADA LAS VEGAS

HAL RUUX OO KU GEERIYOODAY 37 KALENA WAA AY KU DHAAWACMEEN, KADIB HAWEENAY GAARIGA WADATAY OO DADKAAN JIIRSIISAY MAGAALADA LAS VEGAS


ADVERTISEMENTS
Hal ruux ayaa ku geeriyooday 37 kalena waa ay ku dhaawacmeen, markii Haweenay gaari wadatay ay jiirsiisay dad badan oo ku sugnaa Magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka oo ah Magaalo loo dalxiis tago.

Shilkan ayaa la baarayaa inuu ahaa weerar ay haweenayda gaariga wadatay si ulla kac ah ulla beegsatay shacabka, maadaama ay gaariga la dulmartay dad marayey laba goobood oo caan ah.

Haweenayda gaariga wadatay ayaa markii hore dardartay dad ku sugnaa irida hore ee hotelka caanka ah ee Planet Hollywood, kadibna halkaas ayey ka carartay, waxayna markale gaari jiirsiisay dad hortaagnaa Hotelka Paris ee magaalada Las Vegas.

Booliiska ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen haweenaydan oo aan weli magaceeda la shaacin, waxaana la sheegay in baaritaan lagu wado.

Gaariga ayaa sidoo kale laga dhex-helay cunug sadex jir ah oo ay haweenaydaasi dhashay, kaasi oo la sheegay inuu caafimaad qabo.

Dhinaca kale 6 qof oo kamid ah dadka dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay inay xaaladoodu liidato. 



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: HAL RUUX OO KU GEERIYOODAY 37 KALENA WAA AY KU DHAAWACMEEN, KADIB HAWEENAY GAARIGA WADATAY OO DADKAAN JIIRSIISAY MAGAALADA LAS VEGAS
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
HAL RUUX OO KU GEERIYOODAY 37 KALENA WAA AY KU DHAAWACMEEN, KADIB HAWEENAY GAARIGA WADATAY OO DADKAAN JIIRSIISAY MAGAALADA LAS VEGAS



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 AM and have 0 comments