Gabar Soomaali ah oo lagu kufsaday dalka Kuwait iyo Booliska oo raadinaya kooxihii geystay

Gabar Soomaali ah oo lagu kufsaday dalka Kuwait iyo Booliska oo raadinaya kooxihii geystay


ADVERTISEMENTS
Gabar Soomaaliyeed oo 24 jir ah ayaa la sheegay iney afduubteen ka dibna kufsadeen kooxo aan la garaneyn wadanka Kuwait.
Wargeyska Kuwait Times ayaa qoray in nin Soomaali ah uu Booliska ku soo wargeliyey iney ugu yaraan 5 nin afduubteen, kadibna kufsadeen gabar uu adeer u yahay oo ay dhashay Xaaskiisa.

Saraakiishaa Booliska Kuwait ayaa baadi-goobaya 3 nin oo aan haybtooda la aqoonin, kuwaasoo fara-xumeeyey gabadha Soomaalida.

Raggan ayaa la sheegay iney gabadha xoog kaga qafaasheen iyadoo lugeynaysa waddo ku taalla degmadda Kheytaan ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Kuwait City, waxaana la sheegay inay gabadhan ku kaxaysteen gaari yar oo ay wateen.

Hadal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay inuu soo gaaray Kiiskaasi, kuna raad-joogaan Dembiilayaasha dhibaateeyey Gabadha Soomaaliyeed si sharciga loo mariyo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Gabar Soomaali ah oo lagu kufsaday dalka Kuwait iyo Booliska oo raadinaya kooxihii geystay
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-20T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gabar Soomaali ah oo lagu kufsaday dalka Kuwait iyo Booliska oo raadinaya kooxihii geystay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments