Gabadhii ugu horeysay oo soomaali ah oo u cayaari doonta koox caalami ah Daawo muuqaalka

Gabadhii ugu horeysay oo soomaali ah oo u cayaari doonta koox caalami ah Daawo muuqaalka


ADVERTISEMENTS
Gabar Soomaali ah ayaa markii ugu horeysay taariiqda dalka Mareykanka waxaa la sheegay inay ka mid noqotey ciyaaraha kubada koleyga ugu heerka sareeya dalkaas Mareykanka iyo aduunkaba ee loo yaqaana WNBA iyadoona ay gabadhaas Soomaaliyeed ay noqoneyso gabadhii ugu horeysay abid ee ku shaqeysatay ciyaartaas basketballka.


Gabar Soomaali -Swedish ah oo lagu magacaabo Farxiyo Cabdi ayaa waxaa la sheegay inay noqotey gabadhii ugu horeysay abid ee Soomaaliyeed ee ka mid noqotey ciyaaraha ugu heerka sareeya ee kubada kolleyga ee dalkaas Mareykanka, Farxiyo oo ah gabar Soomaaliyeed laakiinse ku dhalatey sanadkii 1992 dalka Sweden ayaa waxay iminka u ciyaartaa kooxda kubada koleyga ee lagu magacaabo Los Angeles Sparks iyadoona ka mid ah xidigaha ugu caansan kooxdaas islamarkaana mar walba ka muujiyo wacdaro ciyaaraha ay kooxdaas kala hortagto kooxaha kale, Farxiya ayaa waxay naadigaas uga ciyaartaas dhanka weerarka iyadoona ka mid ah kuwa ugu dhibcaha badan ee kooxdaas Los Angeles Sparks.

Ugu dambeyntiina iyadoo Farxiyo Cabdi ay ka mid tahay gabdhaha Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ku shaqeysta xirfadeeda ciyaareed gaar ahaan tan kubada Kolleyga ayaa waxay horey uga mid ahayd gabdhaha sida fir fircoon uga soo muuqday ciyaaraha kubada kolleyga ee dalkaas Sweden iyadoona ay sidoo kale gabadhaasi ay horey uga soo ciyaartey dalka Czech Republic gaar ahaan naadiga lagu magacaabo Frisco Brno ka hor inta aysan ka mid noqon oo aysan ku soo biiran kooxda ay hada u dheesho ee Los Angeles Sparks.


DAAWO IYADOO MUUQAAL AH




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Gabadhii ugu horeysay oo soomaali ah oo u cayaari doonta koox caalami ah Daawo muuqaalka
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-23T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gabadhii ugu horeysay oo soomaali ah oo u cayaari doonta koox caalami ah Daawo muuqaalka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments