GAARI WALXAHA QARXA SAARAN YIHIIN OO LAGU QABTAY MAGAALADA GENEVA (SAWIRRO) -

GAARI WALXAHA QARXA SAARAN YIHIIN OO LAGU QABTAY MAGAALADA GENEVA (SAWIRRO) -


ADVERTISEMENTS
Xoogaga ammaanka ee dalka Switzerland, ayaa waxay Jimcihii Magaalada Geneva ku xireen laba nin, kuwaa oo sida la sheegay watay gaari la soo saaray walxaha qarxa.

Labadaan nin oo Suuriyaan ah, ayaa dhawaan soo galay Magaalada Geneva, waxaana laga shaki qabaa in weeraro argagaxiso ay qorsheynayeen in dalkaasi ay ka gaystaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Switzerland, ayaa sheegay inay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay, kuwaa oo iyana lagu wado in la soo qabto.

Xoogaga ammaanka oo u dhacay guri ku yaala Magaalada Geneva, ayaa waxay ka helayn hub, laakiin hubkaasi wax xiriir ah lama lahan labada nin ee la qabtay Jimcihii.

Booliska Geneva, ayaa mar sii horeysay sheegay in gaarigaasi laga helay sunta gaaska, balse dib laga ogaaday in waxa saaran ayba yihiin walxaha qarxa.







ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: GAARI WALXAHA QARXA SAARAN YIHIIN OO LAGU QABTAY MAGAALADA GENEVA (SAWIRRO) -
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-13T20:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
GAARI WALXAHA QARXA SAARAN YIHIIN OO LAGU QABTAY MAGAALADA GENEVA (SAWIRRO) -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:00 PM and have 0 comments