DOWLADDA OO KAFAALO QAADAY SADDEX CARRUUR AH OO AY IFKA KAGA TAGTEY SUXUFIYADDA HINDIYA XAAJI (SAWIRRO) -

DOWLADDA OO KAFAALO QAADAY SADDEX CARRUUR AH OO AY IFKA KAGA TAGTEY SUXUFIYADDA HINDIYA XAAJI (SAWIRRO) -


ADVERTISEMENTS
Dowladda Federaalka Somaliya, ayaa waxay kafaalo qaaday saddex carruur ah oo ay ifka kaga tagtey Suxufiyadda Hindiya Xaaji Maxamed, oo Khamiistii lagu dilay qarax loogu soo xiray gaarigeedii gudaha Magaalada Muqdisho.

Suxufiyadda oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda, ayaa saygeedii sidoo kale lagu dilay weerar lagu qaaday Gurigii Hooyooyinka, oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, bishii September ee sanadkii 2012-ka.

Hindiya, ayaa waxaa qabi jiray Liibaan Cali Nuur oo muddo ka soo shaqaynaayay Warbaahinta Dowladda, iyadoona tallaabada lagu dilay ay sheegteen Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo maanta booqasho ku tagey guriga ay ku nool yihiin carruurtii ay dhalleen lamanaahaasi, ayaa kaga dhawaaqay in Dowladdu ay ogaan doonto, illaa iyo inta ay qaan-gaar ka noqonayaan.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in hooyada iyo aabaha dhalay carruurtaasi, ay muddo u soo shaqaynayeen Qaranka, isla-markaana ay ku baxeen gacanta Ururka Al Shabaab, sida uu yiri.

Carruurta, ayaa waxaa haaya ehelada waalidiinta, iyadoona ay ku ogaan doonto Dowladda, sida uu Saxaafadda u sheegay Wasiirka Warfaafinta.









ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DOWLADDA OO KAFAALO QAADAY SADDEX CARRUUR AH OO AY IFKA KAGA TAGTEY SUXUFIYADDA HINDIYA XAAJI (SAWIRRO) -
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-09T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DOWLADDA OO KAFAALO QAADAY SADDEX CARRUUR AH OO AY IFKA KAGA TAGTEY SUXUFIYADDA HINDIYA XAAJI (SAWIRRO) -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments