Diyaaraddo casri ah oo ku biiray duqeynta Daacish (Sawirro)

Diyaaraddo casri ah oo ku biiray duqeynta Daacish (Sawirro)


ADVERTISEMENTS
Diyaaradaha Dagaalka casriga gaar ahaan Nuuca loo yaqaan Typhoon ee leedahay Dowlada Britain ayaa ku biiray duqeymaha ka dhanka ah Kooxda Daacish ee kasocda Qeybo kamid ah Dalka Siiriya.

Duqeymaha ay geesanayaan Diyaaradaha Dagaalka Britain ayaa lagu bartilmaameedsanayaa xarumo iyo goobo ay kooxda Daacish kaga sugan yihiin dalka Colaaduhu la dageen ee Siiriya.

Wasaarada Difaacada Dowlada Biritain ayaa sheegtay in Diyaaradaha dagaalka Nuuca Typhoons loo yaqaan ay ku biireen duqeymaha ka dhanka ah Kooxda Daacish si ay u xoojiyaan weerarada cirka ah ee lagu hayo kooxdaasi.

Xogahayaha gaashaandhigga UK, Michael Fallon, oo booqasho ku tagay Saldhig ay Ciidamada Cirka Biritain ku leeyihiin Qubrus , ayaa sheegay in la xoojinayo Duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish, waxa uuna xusay in dayaaradahooda ay si guul ah u bartilmaameedsadeen goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaal bariga Suuriya ay gacanta ku hayeen Kooxda Daacish.

Diyaaradaha Dagaalka Biritain ayaa ku biiray xulufada isku baheesatay dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacih, waxaana inta badan Duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ay ka dhacaan goobo kuyaala Dalka Siiriya.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Diyaaraddo casri ah oo ku biiray duqeynta Daacish (Sawirro)
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-07T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Diyaaraddo casri ah oo ku biiray duqeynta Daacish (Sawirro)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments