Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xaaskiisii Cunay oo la Horkeenay Maxkamad kadibna…

Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xaaskiisii Cunay oo la Horkeenay Maxkamad kadibna…


ADVERTISEMENTS
Nin 79 jir ah oo lagu magacaabo Jeiming Liu oo sida la sheegay ka soo haajiray dalka Shiinaha, ayaa la horkeenay maxkamad ku taal waddanka Ingiriiska, kadib markii uu xaaskiisii dilay, isla markaana cunay hilibkeedii.
Booliska magaalada New England ee dalka Ingiriiska, ayaa Khamiistii toddobaadkan helay ninka xaaskiisa cunay oo fadhiya kuraasta dhagaxaanta ah, isagoo gacmihiisa, wejigiisa iyo afkiisaba dhiig ka buuxo oo markaasuun ka soo kacay maydka xaaskiisii uu cunay, iyadoo boolisku xaqiijiyeen inay maydka gabadha la cunay oo 73 jir ah oo magaceeduna ahaa Yuee Zhou ka heleen sariirta aqalkooda iyadoo dhaawacyo xun qabta, dhiigna jidhkeeda qariyey.
Wiil uu dhalay ninka xaaskiisa cunay, ayaa bilayska u sheegay in aannu garanayn waxa uu aabbihii ku kacay, balse waxa uu tilmaamay wiilkani in aabbihii ku yidhi; “Maaha hooyadaa.”
Kaaliyaha xeer-ilaaliyaha magaalada Shrews Bury Mr. Micheal D. McHugh, ayaa maxkamadda u soo bandhigay in bilayska la ogaysiiyey abbaaro 4:30 galabnimo ee Khamiista in haweenay la dilay, markii bilaysku goobta gaadheena, waxa uu xusay in saraakiisu heleen nin afkiisa dhiig ka da’ayo oo cantuugsan hilibka xaaskiisa.
Ninka falkan naxdinta leh ku kacay, ayaa booliska u sheegay inuu tallaabadan u qaaday si uu naftiisa u difaaco, kadib markii sida uu tilmaamay khatari kaga timi xaaskiisa, waxana lagu xukumay dambi isugu jira dil iyo dhaawacyo waxashimo ah uu xaaskiisa u geystay.
Waxa kale oo xeer-ilaalintu ninkan ku eedeeyey inuu cunay hilibkii ku yaalay gacanta xaaskiisa oo dhan, isaga oo intaa raaciyey in bilaysku heleen farahii haweenayda oo ku daadsan sariirta dusheeda.
Qareenka difaacaya ninka xaaskiisa cunay oo la yidhaa Michael Hussey, ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu dacwaysanuhu qabo xannuunada la yidhaa Alzheimer iyo Dementia oo ah cudurro dadka ku dhaca oo sababa in aanay ogaan waxyaabaha ay sameeyaan.
“Mr. Liu uma muuqdo nin la socda waxa halka ka dhacaya, xataa uma malaynayo inuu si fiican u fahmayo in bilaysku halkan keeneen iyo sababtay u keeneenba,” ayuu yidhi qareenka ninkan dad cunka ah u doodaya, iyadoo maxkamaddu dalbatay in odayga da’da ah ee xaaskiisa cunay loo diro cusbitaal si loo baadho caafimaadkiisa iyo inuu maskax ahaan fayoowyahay.waxaana markale maxkamadda la horkeeni doonaa 14 bishaan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xaaskiisii Cunay oo la Horkeenay Maxkamad kadibna…
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-20T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xaaskiisii Cunay oo la Horkeenay Maxkamad kadibna…



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments