Dagaal iyo duqeyn ka dhacdey Gaalkacyo heshiiskii kadib

Dagaal iyo duqeyn ka dhacdey Gaalkacyo heshiiskii kadib


ADVERTISEMENTS
Subaxnimadii hore ee maanta ayaa duqeyn loo adeegsadey qoryaha waaweynee hOobiyaha ka bilaamatey magaalada Gaalkacyo, kadib markii maalintii shalay xabbad joojin lagu kala saxiixday.


Weriyaha Horseed Media ayaa sheegaya in ay subaxnimadii hore tageen jiidaha hore si ay u soo tebiyaan ciidamada la kala qaadayo, waxaanse markiiba na heley ayuu yiri duqeyn madaafiic ah.

Madaafiicda ayaa ku soo dhacdey meelo badan oo kamid ah dhanka Waqooyi ee magaalada sida xarunta shirkadda AMAL, Hotel Shaariqa, Xafiiska Idaacadaha Gaalkacyo, Masaajidka dulqaryneyn, xarunta PDRC, dhamaan xarumahan ayaa ku yaala xaafadda Israac, madaafiicda laga soo tuurayo dhanka Koonfureed ayaa la sheegayaa in ay ku habsadeen guryo shacab oo ku yaala xaafadda Israac.

Sidoo kale ilaa afar madfac ayaa ku soo dhacay xero Darwiish.

Duqeynta kadib waxaa magaalada si toos ah uga bilowdey dagaal waxaana salaadda duhur kadib weli magaalada ka socda dhawaaqa madaafiicda iyo rasaasta culus.

Ma cadda khasaaraha ka dhashey duqeyntan oo ah mid weli magaalada ku socota iyada oo ay ku sugan yihiin wufuudii dhex-dhexaadinta u timid magaalada kuwaas oo weli ku shirsan Garoonka Cabdullaahi Yusuf ee Gaalkacyo oo ahayd halkii heshiiska lagu kala saxiixday.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalintii shalay wacad ku marey kadib heshiiska ay saxiixeen in uu ballan qaadayo xabbad danbe in aysan dhankooda ka soo dhacayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa sheegay in Gaalkacyo wixii ay horey ugu jirtey uu ahaa wax aan col iyo nabad midna lagu tilmaami karin taasna aan loo baahneyn.

Heshiiska shalay la kala saxiixey ee qodobada afarta ma dhigeyn wax ciqaab ah in la saarayo cid alaale iyo cidii xabad joojinta jebisa



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Dagaal iyo duqeyn ka dhacdey Gaalkacyo heshiiskii kadib
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-04T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dagaal iyo duqeyn ka dhacdey Gaalkacyo heshiiskii kadib



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments