DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BUJUMBURA (SAWIRRO) -

DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BUJUMBURA (SAWIRRO) -


ADVERTISEMENTS
Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday, ayaa maanta ruxay Magaalada Bujumbura ee caasimadda wadanka Burundi, iyadoo dhinaca kalana uu khasaaro sababay.

Dagaalkan, ayaa ka dambeeyay markii aroornimadii hore ee saakay laba weerar lagu qaaday xeryo militari, oo ku kala yaala Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Bujumbura.

Ciidamada Militariga ee degan xeryaha Ngagara iyo Musaga, ayaa si weyn isaga caabiyay xoogagii soo weeraray, oo u muuqday in laga soo abaabulay duleedyada Magaalada.

Dagaalka, ayaa waxaa lagu dilay toddobo qof, oo shan ka mid ah lagu sheegay kuwii weerarka soo qaaday, halka labada kalana ay ka tirsan yihiin Ciidamada Militariga Burundi.

Warbaahinta Burundi, ayaa qoreysa in khasaaraha uu ka badan yahay inta hadda la sheegay, isla-markaana ay saacadaha soo socda soo bixi karayaan, wararka la xiriira in khasaaruhu uu ka badan yahay toddobada qof ee la’ogyahay in dagaalka lagu dilay.

Dalka Burundi, ayaa dhammaadkii bishii April galay xaalad cakiran, ka dib markii Madaxweyne , Pierre Nkurunziza uu iclaamiyay, in mar 3-aad uu u tartami doono madaxtinimada dalkaasi, xilli Dastuurka Burundi uu laba mar u ogolaanaayo in xilka uu qaban karo.







ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BUJUMBURA (SAWIRRO) -
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-12T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BUJUMBURA (SAWIRRO) -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments