Daawo: Arsenal Oo Bool-bool U Kala Furtay Man City , Qalabka Looga Badiyay Jarmalka Ayaa lagu Soo Sameeyay .

Daawo: Arsenal Oo Bool-bool U Kala Furtay Man City , Qalabka Looga Badiyay Jarmalka Ayaa lagu Soo Sameeyay .


ADVERTISEMENTS
Labada koox ayaa garoonka soo galay iyaga oo dareensan muhiimadda ay u leedahay guul ay ka gaaraan kulanka , waxa ayna ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh oo ma jirin koox si gaar ah kubadda lugtooda ugu haysay .

Sidaas oo ay Arsenal ayaa u dhawaneysay goosha City waxa ayna arimahaas dhaceen 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta .

City ayaa kaliya halistii ugu weyneyd ku tagtay goosha Arsenal daqiiqaddii 11-aad balse daafaca ayaa bad baadiyay waxa ayna ciyaarta aheyd mid isu dheeli tiran labada dhinac oo deg degsiimo ayay ku socotay .

Labada koox ayaa soo bandhigayay kubad wacan waxa ayna dadaal ugu jireen gool waqti hore ah mana jirin qaladaad dhacayay qeybihii dhexe ciyaarta .

Ozil ayaa sameynayay farsamo sareysay waxa uuna ahaa kala fur furaha kubadda oo waxa uu raadinayay meel uu kubadda ka dhiso oo gool ka noqon kartay basle City waa ay iska difaacayaan.

Weeraryaanka City ee Aguero oo dhawaan dhaawac ka soo kacay ayaan la arkin qeybtii hore oo maqane jooge ayuu ahaa .

Qeybihii dambe waxa ay Arsenal u muuqdeen kuwo dib u gurtay waxaana kubadda maamulayay City oo isugu soo aruuray qadka Arsenal xilli Kevin de Bruyne uu kooxdaas ka qasaariyay gool xaqiiq ahaa .

Sidaas oo ay Tahay Arsenal oo ay ka go`neyd in ay horay u soo dhaqaaqaan ayaa kubad ay dhiseen waxaa gool cajiib ah oo meel fog ah ka toogtay Walcott xilli Joe Hart uu banaanka u soo baxay waxaana sidoo kale ka muuqatay goolkaan qalad dhanka daafca ah .

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Walcott u yahay goolkiisii 3-aad ee horyaalka Ingiriiska ee dhashay xilli ciyaareedkaan waxa uuna dhashay daqiiqaddii 33-aad
Ka dib goolkaas Arsenal waa ay is fur fureen waxa ayna baadi goobayeen gool labaad waxa uuna dagaalka ka socday garbaha iyo qadka dhexe.

Mar kale Ozil ayaa ka shaqeyey gool labaad waxaan ka dhaliyay Olivier Giroud waxa uuna yimid daqiiqaddii 45-aad dhamaadka ciyaarta waana gool sameyntii Ozil ee 15-aad ee xilli ciyaaredkaan , waxaana nasiinada lagu aadya labadaas gool.

City qeybtii hore waa ay fiicnayaan balse waxaa ku adkeyd in si sax ah u tagaan shabaqa Arsenal waxa ayna ka sheeganeysay dhameystirdhanka weerarka ah

City soo laabashadii waxa ay soo giliyeen Raheem oo loo badalay Fabian Delph , waxa ayna biloowgii sameeynayeen isku dayo kala duwan waxa ayna cadaadis saareen Arsenal oo daafac xeratay sidaas oo ay tahay Arsenal waxa ay abuurayeen fursado kala duwan waxana hadiyadahaas bixiniyay boqor Ozil .

Daqiiqadi 55-aad Arsenal waxaa gool xaqiiq ahaa ka cunay Campell waxaana ka bad baadiyay Joe Hart , waxa ayna Arsenal fursad waliba helaan ku halis gilinayeen City xilli saaxibadda Yaya Toure ku adkeyd in sax ah uga faa`ideystaan kubadaha ay dhisayeen balse dhinacyada kale waa ay ka fiicnaayeen waxaana shaqadaas qabanaya Kevin de Bruyne .

Arsenal gool xaqiiq ahaa la hubay ayaa waxaa ka cunay Ramsey oo Joe Hart ayaa si la yaab leh uga biixyay waxaan sameeyay Ozil xilli ay aheyd daqiiqadii 59-aad , waxa ayan Arsenal sameynayeen dhaq dhaqaaq lagu raaxeysto .

City daqiiqaddii 63-aad waxa ay soo giliyeen Wilfried Bony oo loo badalay Aguero si ugu yaraan is badal u keenaan , waxa ayna Arsenal ciyaareysay kubad kalsooni ay ka muuqato.

City ayaa daqiiqaddii 73-aad soo gilisay oo Jesus Navas oo loo badalay Silva kaasi oo guud ahaan qeybtii labaad maqane jooge ahaa halka Arsenal ka hor badalkaas ay soo giliyeen  Kieran Gibbs oo loo badalay Campell , waxaana guud ahaan maamulka ciyaarta haysay kooxda  Arsenal .

Ozil ayaa la badalay daqiiqaddii 73-aad waxaana la soo giliyay balse waxaa lagu soo dhaweeyya gool qaab deggan loo dhaliyay waxaana ku raaxeystay Yaya Toure waxa ayan aheyd daqiiqaddii 82-aad, waxa ayna City ka di b sameeyeen weeraro ay ku raadinayeen goolka bar bar dhaca waxa ayna cuneen dhowr fursad oo xaqiiq ahaa .

City daqiiqaddi 90-aad rigoore xaqiiq aheyd ayaan loo dhigin waxaan qalakaas galay Olivier Giroud balse lama dhigin, waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 2/1

Waa guul daraddii 5-aad ee City ee xilli ciyaareedkaan ka qabsata horyaalka Ingiriiska waxaana xusid mudan in Arsenal ay xilli ciyaareedkii hore City ka qaateen afar dhibic ,

Arsenal ayaa haatan ku jirta booska labaad waxa ayna laba dhibic ka hooseeyaan Leicester City oo hogaanka 38 dhibic ku haysa



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Daawo: Arsenal Oo Bool-bool U Kala Furtay Man City , Qalabka Looga Badiyay Jarmalka Ayaa lagu Soo Sameeyay .
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo: Arsenal Oo Bool-bool U Kala Furtay Man City , Qalabka Looga Badiyay Jarmalka Ayaa lagu Soo Sameeyay .



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments