Blatter iyo Platini oo 8 sano ciyaaraha laga mamnuucay

Blatter iyo Platini oo 8 sano ciyaaraha laga mamnuucay


ADVERTISEMENTS
Madaxwaynaha hay'adda maamusha kubadda cagta ee adduunka ee Fifa, Sepp Blatter, iyo Michel Platini, oo ah madaxa hay'adda xiriirka kubadda cagta ee Yurub ee Uefa loo yaqaano ayaa laga mamnuucay mudo sideed sano ah in ay qabtaan wax kubad la xiriira.
Mamnuucitaankasi wuxuu u dhaqan galayaa sida ugu dhakhso badan.
Go'aankani wuxuu soo afjari doonaa hogamintii Blatter oo 79 jir ah.
Wuxuu madax ka ahaa Fifa tan iyo sanadkii 1998-dii, ninkaasi oo u dhashay dalka Switzerland wuxuu horay u sii shaaciyay in uu xilkaasi ka dagayo ka hor bisha bishlabaad ee sanadka soo socda markaas oo la qabanayo doorashada madaxwayne nimada Fifa.
Platini oo lixdan jir ah ayaa loo malaynayay in uu noqondoono hogaamiyaha mustaqbalka, wuxuuna rajaynaya in uu badalo Blatter.
Saddex jeer ayuu noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee Yurub, wuxuuna kabtan u soo noqday Faransiiska, wuxuu madaxnimada Uefa, hayay tan iyo 2007-dii.
Dhanka kalana Balatter, waxaa kale oo lagu ganaaxay in uu bixiyo 40 kun oo doolar oo ganaax ah, halka Platini lagaga xukumay sideetan kun oo doolar.
Maxay tahay sababta loo ganaaxay?
Blatter iyo Platini waxaa lagu helay in ay ku dhaqaaqeen anshax darro oo ay oo lacago aan sharci ahayn oo gaaraysa labo milyan oo doolar la siiyay ninka Faransiiska ah sanadkii 2011-kii.
Labadooduba waxay sheegeen in lacagtaasi ay maamuus ahayd oo lagu heshiiyay sanadkii 1998 iyo 2002 markaas oo Platini uu la taliye u ahaa Blatter.
Shir jaraaid
Blatter oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in uu markii hore walwalsanaa laakiin uu hadda is difaaci doono oo uu racfaan qaadan doono.
wuxuu intaas ku daray in uu wali yahay madaxwaynha Fifa, tan iyo inta laga dooranayo madaxwayne kale



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Blatter iyo Platini oo 8 sano ciyaaraha laga mamnuucay
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Blatter iyo Platini oo 8 sano ciyaaraha laga mamnuucay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments