Al-Shabaab Oo Afduubtay Shaqaale Caafimaad

Al-Shabaab Oo Afduubtay Shaqaale Caafimaad


ADVERTISEMENTS
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu afduubay darawal iyo kalkaaliye caafimaad, xilli ay la socdeen gaari kuwa gurmadka deg degga ah oo marayey dulleedka bari ee Dhuusamareeb.

Ragga la afduubay ayaa kala ah, Cabdi Kaafi Japan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha cusbitalka Dhuusamareeb, iyo darawalkii baabuurka, Yaxye Muxiyadiin.

Guddoomiyaha Degamada Ceelbuur, Cabdi Xasan Biya Quute ayaa u sheegay VOA-da in ragga afduubka geystay ay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabab

Waxa uu sheegay in ka hor intii aysan afduubin raggan iyo gaariga inay taleefan ka waceen iyagoo u sheegay inay yihiin ehelka haweeneey fool aheyd, hase yeeshee markii ambalaasta ay halkaasi tagtay ay ugu tageen ragga hubeysan ee afduubka u geystay.

Gaariga la afduubtay ayaa lagu arkay Magaalada Galhareeri ee  ku dhow Ceelbuur. Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay xaaladda raggan la afduubay .



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Al-Shabaab Oo Afduubtay Shaqaale Caafimaad
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-31T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Al-Shabaab Oo Afduubtay Shaqaale Caafimaad



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments