15 RUUX OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHACAY GAARI BAS AH BARTAMAHA NAIROBI

15 RUUX OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHACAY GAARI BAS AH BARTAMAHA NAIROBI


ADVERTISEMENTS
15 ruux ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, qaraxaasi oo ka dhashay gaari bas ah oo ka dhex shaqeeya Magaalada Nairobi.

Qaraxan ayaa ka dhashay dab ka kacay Gaariga Matatuga, waxaana taasi ay keentay inay ku waxyeeloobaan 15 ruux oo Bulshadii saarneyd ah, iyadoo gurmad loo fidiyay dadkaasi.

Gaariga ayaa kusii jeeday deegaan ku yaallo Magaalada Nairobi, waxaana saraakiisha amaanka ay sheegeen iney socdaan baaritaanka qaabka uu ku dhacay qaraxaasi.

Dhaawacyada ka dhashay Qaraxaasi oo heerar kala duwan ah ayaa intooda badan la dhigay Isbitaalka Mama Lucy oo xaaladooda caafimaad iminka lagula tacaalayaa.

Gawaarida gurmadka deg dega ah ee ambalaasta ayaa loo diray Isbitaalkaasi si ay dhaawacyada daran ugu gudbiyaan Isbitaalka weyn ee Kenyatta.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid aad u weyn uu ka dhashay batariga gaariga oo ay cilad ku timid kadibna isku badalay dab baaxad leh oo saameeyay gaariga oo dhan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: 15 RUUX OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHACAY GAARI BAS AH BARTAMAHA NAIROBI
Posted by:galmada Net
Published :2015-12-22T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
15 RUUX OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHACAY GAARI BAS AH BARTAMAHA NAIROBI



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:30 AM and have 0 comments